Dooni ka shiraacatay Xeebaha Somalia oo la sheegay inay waday Shixnad Daroog ah oo la qabtay

Markab dagaal oo ay Australia leedahay ayaa la sheegay inay  qabteen dooni waday shixnad Daroogadda nooca Herowiinka oo culayskedu dhan yahay 581 Kiilogaram,laguna qiimeeyey Malaayiin Dollar.

Taliyaha Ciiddanka Isku-dhafka Mariniska Australia ee ilaaladda ka haya xeebaha Bariga Dhexe, Jeneral Nagi Sorial ayaa soo saaray War Saxaafadeed uu ku sheegay inay tahay doontii labaad ee ugu weynayd ee ay qabtaan  Isbahaysiga Ciiddanka Badda (CMF) ee ilaaladda ka haya Badda Caalamiga.

Markabka dagaalka ee HMAS Newscastle ayaa la sheegay inuu ilaalo ka hayey Doonidaasi oo ka soo shiraacatay dal aan dowlad lahayn oo ku yaalla meel ka baxsan Xeebaha Bariga Afrika.

War Saxaafadeedka laguma sheegin Waddanka ay Xeebtiisa ugu dhowdahay halka ay doonidaasi ka soo shiraacatay.

© Warqabadka Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor