Dooni Hoobiyayaal iyo Qoryo Fudud u soo waday Somalia oo la qabtay.

Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Australia awaxay gacanta ku dhigeen Dooni Kalluumeysi oo waday in ku dhow 2-kun oo qoryaha AK 47.

Koox ka tirsan Ciiddanka la socday Markabka laga leeyahay dalka Australia ee lagu magacaabo HMAS Darwin waxay Doonidaasi ku qabteen meel 300-KM ka baxsan Xeebaha dalka Cumaan.

Taliyaha Hawlgalladda Isku-dhafka ee Australia, Admiral David Johnston ayaa sheegay in lagu guuleystay in la qabto doonidaasi, iyadoo baaritaan kadib laga helay 1989 qoryaha AK 47,  100 Gantaalladda laga tuuro Baasuukaha, 49 qoryaha Boobaha iyo Hoobiyayaal.

Waxa uu tilmaamay in Hubkaasi lagu dhex qariyey Shabaagta Kalluumeysiga.

Qabashadda Hubkaasi ayaa waxa uu qeyb ka yahay Hawlgaladda lagu fulinayo Cunaqabataynta Hubka ee ay QM ku soo rogtay Somalia, waxayna Maraakiibta Dagaalka ee Australia qeyb ka yihiin Maraakiibta Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda, Argagixisadda iyo Ka-hortagga Hubka iyo Daroogadda ee lagu soo qariyo Doonyaha isticmaala Badda Somalia.

DOONI HUB WADAY OO LA QABTAY 01

Xigasho: watoday.com.au

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor