Doon ay la socdeen Muhaajiriin Soomaali ah oo ku degtay Xeebaha Yaman

Ugu yaraan 30 muhaajiriin Afrikan ah ayaa ku qaraqmay xeebaha dalka Yaman todobaadkan .

Doontani ayaa la sheegay in ay buux dhaaftay islamarkana ay wadeen kuwa wax tahriibiya .

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadkii ka badbaaday doonta ay u sheegeen in mukhalasiinta ay rasaas ku fureen rakaabka markii ay doonta dagaysay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tira ka badan 150 isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ay doonta saarnaayeen.

Doonta ayaa la sheegay in ay ka soo safraysay dalka Yaman ayna ku sii jeeda Jamhuuriyada Jabuuti.

Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 90,000 oo qaxooti ah ay galaan safarkan ay uga soo talaabayaan geeska afrika iyaga ku sii jeeda Yaman.

Iyada oo dalka Yaman ay xilligan dagaalo ka jiraan ayaa hadana muhaajiriinta waxa ay qabaan rajo ah in ay shaqooyiin ka helaan dalalka gacanka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media