Donald Trump oo sheegay inay dhamaatay Cabsidii Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuurya.

Madaxweynaha Maraykanka oo dib ugu laabtay Washington waxa uu Twitter-kiisa ku qo difaacay go’aanka lagu joojinayo Carbiska Milliteri ee ay Ciiddankiisa ka sameeyaan Koonfurta Kuurya.

Waxa uu intaasi ku daray inay  lacag badbaadayso haddii aan la qabanin Carbiskaasi.

Donald Trump waxa kale oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay inaysan jiri doonin cabsida Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuurya, iyadoo Khubarada rumeysan yihiin in ay Waqooyiga Kuurya haystaan 20 ilaa 60 bam Atoomik.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka waxa uu sheegay inta uusan Xilka qabanin inay jirtay cabsi laga qabo dagaal lala galo Waqooyiga Kuurya, isla markaana uu Madaxweynihii ka horreeyey ee Barack Obama sheegay inay Waqooyiga Kuurya tahay mashaakilka ugu weyn ee Qaranka Maraykanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media