Donald Trump iyo Boqor Salmaan oo ka wada hadlay Duqeyntii Syria iyo Madaxweynha Iiraan oo digniin jeediyey.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka iyo Boqor Salmaan Bin C/casiis ku wada hadleen Khadka Telefoonka, iyagoo isla eegay rrimaha Duqeyntii Maraykanka u geystay Saldhig ku yaalla dalka Syria,

Boqor Slmaan yaa la sheegay inuu Madaxweyne Trump uga mahad celiyey Duqeyntaasi, wuxuuna weerarkaasi ku tilmaamay Go’aan Geesinimo leh, waa sida u uhadlka u dhigay Boqorka Sacuudiga.

Waxa u uintaasi ku daray in Duqeynta Gntaalladda ahayd Tallaabdd saxa ee looga hortegi karo Dembiyadda ay Dowladda Syria ku hayso dadkeeda, iyado oBeesha Caalamka ku fashilantay in la joojiyo Tacadigaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Iiraan, Xasan Ruuxaani ayaa sheegay inay Duqeymahaasi halis u keeni karaan Caalamka iyo dalalka Mandiqadda.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlay Dibadbax ka dhacay maagalladda Tehraan ayaa  ku baaqay in Baraitaan Madax-bannaan lagu sameeyo weerarkii Kiiminkada ee ka dhacay dalka Syria.

Sidoo kale, Madaxweyne Ruuxaani waxa uu bartiisa Twitterka kaga hdlay Duqeyntii Maraykanka, wuxuuna ugu baaqay Caalamka inay ka hortagaan Khatarta Siyaasadda noocaasi ee halista ku ah Deganaanshaha Gobalka iyo guud ahan Caalamka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media