Diyaarado dagaal oo Maanta dul heehaabaya deegaanka Abal ee Gobolka Bakool

Wararka aan ka heleyno deegaanka Abal ee Gobolka Bakool oo ay dhawaan ku dagaalameen Maleeshiyo daacad u ah Muqtaar Rooboow iyo Al-Shabaab  ayaa waxa ay sheegayaan in lagi arkay Diyaarado dagaal.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degaanka Abal,oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in ay arkayaan diyaarado dagaal oo duul duulaya Hawada deegaanka Abal,islamarkaana ay cabsi gelisay.

Masheegin ilaa iyo hada dadkaas Diyaaradahaas halka laga leeyahay,waxaana xusid mudan in deegaankaas meel aan ka fogeyn ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo aan xiriir la sameynay ayaa diiday in ay ka hadlaan diayarada lagu arkay iyaga oo dul heehaabaya deegaanka Abal ee Gobolka Bakool.

Wixii ku soo kordha Warkaan kala socda radiodalsan.com

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media