Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyey degmada Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen deegaan dhaca degmada Ceelbuur oo ay Gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Duqeyntaas ayaa waxaa sida las heegay fuliyey Diyaaradaha Mareykanka oo garab ka helaya Ciidamada DANAB,iyaga bartilmaameed sadeen Saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka degmada Ceelbuur sida uu sheegay Gudoomiyaha degmada Ceebur Nuur Xasan Guutaale.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Diyaaradaha ay duqeeyeen Gaari ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab xili uu marayay duleedka degmada Ceelbuur,iyo sidoo kale Ceel Biyood ku yaalla halkaasi oo Saraakiil kale ay ku sugnaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaas marka laga reebo gudoomiyaha Ceelbuur oo sheegay in Saraakiil lagu dilay duqeyntaas.

Al-Shabaab ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in duqeyntaas diayaradeed lagu dilay Saddex Ruux oo Shacab ahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media