Diyaarado Dagaal oo duqeeyey Isbitaal ku yaalla Waqooyiga dalka Syria.

Kooxaha Gurmadka ayaa sheegay inay ugu yaraan 10 qof ku dhaawacantay Duqeyntaasi oo la tuhunsan yahay inay geysteen Diyaaradaha Dagaalka ee dalka Raashiya.

Duqeyntaasi  oo xalay dhacday ayaa lala beegsaday Isbitaalka  ugu weyn ee  ku yalla DEgmdda Maarat Al-numcan ee Gobalka Idlib.

Kooxaha Gurmadka yaa sheegay in 3 jeer la duqeeyey Dhismahaasi, o olagu burburiyey Int badan Qollk Qaliink iyo kuwa Gurmadka.

Dhamaan dadkii Bukaanadda ee jiifay Isbitaalkaasi waxaa loo daad-gureeyey Isbitaalo kale.

Toddobaadkii hore, Isbitaal ay maamusha Hay’adda Dhakhaatiirta n Xuduudka Lahayn ee MSF oo ku yaalla Gobalka Xama ayaa la duqeeyey, sida lagu sheegay ar-saxaafadeed ka soo baxay MF.

Ugu yaraan 2 qof oo uu ku jiray Dhakhtarkii Qaliinka Lafaha ee Isbitaalkaasi, Dr. Darwiish ayaa lagu dilay Duqeyntasi.

©Radio Dalsan

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media