Diyaarado Dagaal oo Duqeeyay Saldhigyo Al-Shabab ay ku lahaayeen Degmada Jilib Ee Gobolka Jubbada Dhexe

Deegaanka Hargeeysa Yareey, oo ka tirsan Degmada Jilib Ee Gobolka Jubbada Dhexe, ee soomaaliya, ayaa lasoo sheegayaa in xalay diyaarado ay ku duqeeyeen Xarakada Al Shabab.

Dadka deegaanka oo u-waramaya idaacadda Dalsan, waxaa ay sheegeen in ay maqleen daryanka daraasiin madaafiic ah oo dhulka kusoo hoobaneysa.

Ilaa iyo hadda lama ogaan diyaaradah wax duqeeya halka laga leeyahay, balse warar baa sheegaya in dalka Kenya suuragal ay tahay in laga leeyahay diyaaradaasi.

Majirto war kazoo baxay madaxda maamulka Jubaland oo ku aadan duqeynta.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor