Diyaaradihii qaadka geyn jiray Magaalada Jowhar oo la joojiyay

Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dambeeyey markii maanta  mas’uuliyiinta Wasaaradda ay kormeer ku tageen Garoonka diyaarahadaha iyagoo u kuurgalaya, dhaqan galka go’aanadaasi.

Wasiirk ku xigeenka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Diiriye Khaliif oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogtadaha Abuukar Maxmed Daahiye iyo Agaasimaha guud C/llaahi Xayir Ducaale ayaa la kulmay ganacsatada qaadka soo degsatay,si ay u hubiyaan dhaqangalka go’aanadaasi,oo ujeedkiisu ahaa xalka gaarisata murano iyo isbar bar yaac ka taagnaa arrimahaasi sida ay mas’uuliyiintu ay sheegeen.

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale xusay in diyaaradii Khaadka gayn jirtay magaalada Jowhar la joojiyay islamarkaana Muqdisho uu ku soo degaayo,isagoo xusay in wadatashiyo lala yeeshey ganacsatada Khaadka la isku waafaqay in qoondo loo sameeyo.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ugu baaqay ganacsatada dhamaan in ay dhaqan geliyaan go’aanada ka soo baxay Wasaaradda,islamarkaana xusay in qofkii ka dhaga adeega sharciga lala tiigsanayo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media