Diyaaradaha Rakaabka ee u kala goosha Somalia iyo Kenya oo cabsi darteed loo hakin doono

Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Kenya, Manoah Esipisu ayaa sheegay in la joojin doono Duullimaadyadda Diyaaradaha ku soo dega Garoomadda Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta iyo Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.

Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Kenya waxa uu intaasi ku daray inay Xayiraadaasi bilaaban doonta  marka uu Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama booqashadda ku yimaado Nairobi bishan 25-da.

Waxayna xayiraadda socon doontaa  tan iyo marka ay Wafdiga Madaxweyne Obama ka ambabaxi doonaan Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa waxay horey u soo saartay amar lagu joojinayo dhamaan Diyaaradaha Rakaabka ee ay isaga kala goosha magaalladda Nairobi iyo dalka Somalia, sababo lagu sheegay cabsi laga qabo in Diyaaradaha loo adeegsado Weerar Is-qarxin oo la mid ah weerarkii ay Dagaalamayaal ka tirsan Ururka  Alqaacida bishii Sept 11-dii ee sannadkii 2001-dii ku qaadeen dalka Maraykanka.

Hay’addaha Sirdoonka iyo Ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay heleen xog Loo-qaateen ah oo lagu sheegay inay suurtogal tahay inay Dagaalamayaasha Alshabaab u adeegsadaan Diyaarado weeraro ay ku qaadaan bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Kenya.

Dagaalamayaasha shisheeyaha ee ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay ku jiraan Duuliyayaal kaxeyn kara Diyaaradaha.

Dhinaca kale, Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka ayaa la sheegay inay maamuli doonaan Hawada Kenya muddada uu Madaxweyne Obama booqanayo dalkaasi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor