Diyaaradaha Kenya oo duqeeyey Al-shabaab ku sugan qeybo ka tirsan Kaymaha Boni

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Diyaaradaha Dagaalka Kenya duqeyeen Kaymaha Boni oo Saldhig u ah Ciiddanka Jaysh Ayman oo ka tirsan Alshabaab.

Dhawaaqa Qaraxyadda iyo guuxa Diyaaradaha Dagaalka ayaa laga maqlayey meel aad uga fog Degmadda Garsen ee Gobalka Tana River.

Goobjooge lagu magacaabo Jamal Haji ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation inuu qaraxyada maqlay wax yar kadib markii ay Diyaaradaha dulmareen meel ku dhow Xarunta Ganacsiga ee Nyongoro trading centre.

Dhinaca kale, Madaxa Hawlgaladda Linda Boni Operation, Joseph Kanyiri ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo duqeymaha lala beegsaday Kaymaha Boni Forest.

Waxa kale oo uu sheegay inay gacanta ku dhigeen  dhowr qof oo lagutuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab,kuwaasi oo uu tilmaamay inay sida ugu dhaqsaha badan ugu gudbi doonaan Maxkamadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hawlgalka Milliteriga Kenya ka wadaan Kaymaha Boni Forest waxa uu socday tan iyo bishii September 15-dii ee sannadkii 2015-kii,waxaana Amarkaasi bixiyey Wasiirkii Arrimaha Gudaha Kenya ee geeriyooday,Joseph Nkaissery.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media