Diyaaradaha Kenya oo 4 carruur ah ku dilay gobolka Gedo

Ugu yaraan 4 carruur ah oo ay da’dooda u dhaxeyso 3-5 jir ayaa ku dhimatay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystay deegaanka Celram oo ku dhaw degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo.

Gudoomiyaha Mandheera Cali Roba ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha Kenya ay dilen 4 carruur ah.

Ila wareedyo ayaa sheegay in duqeynta ay dhacday saakay aroortii hore iyo xalay saqdii dhexe.

Carruurta dhimatay waxa ay ka soo jeedan hal qoys sida wararka ay sheegayan,waxaana sido kale jira burbur ay duqeynta geystay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor