Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo duqeeyey Xerooyin ay Alshabaab leeyihiin.

Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ayaa la sheegay inay shalay duqeeyeen Labo Xero oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku leeyihiin Gobalka Jubbadda hoose.

Wargeyska The Star ayaa sheegay inay Diyaaradaha duqeeyeen Xerooyinka Tababaradda iyo Loojistikadda oo ay  Alahsabaab ku leeyihiin Tuullooyinka Diif iyo Yara Lafagari.

Duqeyntaasi ayaa dhacday 12 saacadood kadib, markii ay Diyaaradaha Droneska Maraykanka duqeeyeen, isla markaana burburiyeen Xerooyin kale oo ay Alshabaab ku leeyihiin Koonfurta Somalia.

Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab kama hadlin Duqeymahaasi, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya Khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.

© Radio Dalsan          

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor