Diyaaradaha Dagaalka ee Sukhoi oo ay Ciiddanka Uganda u adeegsadaan Hawlgalladda Alshabaab

Milliteriga Uganda ayaa la sheegay inay dagaalladda ay la galaan Alshabaab u adeegsadaan Diyaaradaha Dagaalka ee  Sukhoi Su-30MK2 ee lagu farsameeyo dalka Raashiya.

Lix ka mid ah Diyaaradahaasi ayaa la rmeysan yahay inay ka eyb galaan Hawlgalladda Habeenkii ee ay Ciiddamadda AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda u adeegsadaan si loogu duqeeyo goobaha ay Dagaalamayaasha Alshabaab kaga sugan yihiin Koonfurta Somalia.

Wargeys ka faallooda arrimaha Milliteriga ayaa qoray inay Diyaaradahaasi awoodaan inay ridaan Gantaalladda cirka wax ka dila ee  nooca air to air missiles.

Lama sheegin Saldhigga ay Diyaaradahaasi adeegsadaan, marka ay fulinayaan Hawlgalladda Duqeymaha ee ay la beegsadaan Alshabaab.

Hadalkan ayaa soo baxay dhowr maalmood kadib, markii si rasmi ah loo shaaciyey inay Milliteriga Maraykanka Saldhigyo ku leeyihiin gudaha Somalia, oo laga hago Diyaaradaha aan duuliyaha Lahayn ee Droneska, kuwaasi oo la sheego in loo adeegsado duqeymaha lala beegsada Saraakiishaa Alshabaab.

Sukhoi Su-30MK2  Uganda Uganda Sukhoi Su-30MK2© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor