Diyaarad uu UN-ka leeyahay oo diiday in ay qaado Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta qorshuhu ahaa in uu tago Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud balse uu ka baaqsaday kadib markii ay diiday in ay Gaalkacyo ka qaado Diyaarad uu lahaa UN-ka.

Arrintaan ayaa loo sababeeyay in ay ka dambeysay in Diyaaradu aysan qaadeyn Boorsooyin aan la baarin maadama horay loo bartay in aan wax baaritaano ah aan lagu sameyn Boorsooyinka ay leeyihiin dadka Madaxda ah.

Mudo isjiid jiid kadib ayaa Diyaarada ay leedahay UN-ka waxa ay go’aan ku gaartay in aysan qaadin Madaxweyne Gaas iyo Masuuliyiinta la socotay ilaa laga baaro Boorsooyinka ay wataan taas oo keentay in Diyaaradu ay duusho iyada oo aan sidin wax rakaab ah.

Dhinaca kale Saraakiisha la socotay madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa iyana diiday in la baaro Boorsooyinka uu wato madaxweyne Gaas iyo Madaxda la socotay.

Sikastaba dhammaan madaxda kala duwan ee tagtay Dhuusa Mareeb ayaa loo diiday in ay hubka la galaan Magaaladaas, in kastoo badankood ay Diyaarad ku tageen waxaana arrintaan ay ku soo aadeysaa xili Maanta Barqadii loo diiday in ay Dhuusa Mareeb galaan Ciidamada Ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo ee loo yaqaano Koofi-Casta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media