Diyaarad siday lacag ka timid Imaaraadka oo lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde

Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho Maanta lagu qabtay Diyaarad siday l;acag oo ilaa iyo hadda aan la shaacin cadadeeda.

Diyaaradaan ayaa waxaa la sheegay in ay ka timid Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta,isla markaana lacagta saarneyd Diyaaradaas ay leedahay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Lacagtas ayaa waxaa kas oo baxayaya warar kala duwan,waxana la sheegayaa in ay ku socotay Safaarada Imaaraadka ay ku leedahay muqdisho halka wararka qaar ay sheegayaan in loo waday Puntland lana doonayo in mushaar ahaan loosiiyo Ciidamo ka tirsan Puntland oo imaaraadka uu tababaro.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Garoonka ay ku sugneyd diyaarad kale oo lacagtaas u qaadi laheyd Magaalada Garoowe,laakin uu ka dhashay buuq farabadan taas oo ugu dambeyn raggii ay u kireesneyd diyaarada ay la soo baxeen  warqad sheegeysa in lacagta ay tahay mushaarkii ciidamada Puntland.

Weli macadam in Diyaarada lacagta siday iyo in lasiidaayey iyo in kale,waxa ayna ku soo aadeysaa xili khilaafka u dhaxeeya guddoonka Golaha Shacabka uu sii xoogeysanayo,waxana jiray shaki ka dhashay lacagtaas wallow markii dambe la ogaaday in loo waday Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media