Diyaarad Sida Maxaabiis Soomaali ah oo Maanta ku soo wajahan Muqdisho

Maanta ayaa la filayaa in Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ay ka soo degto diyaarad sida in ka badan 100 Maxaabiis Soomaali ah kuwaas oo mudo ku xirna Xabsi ku yaalla dalka Itoobiya.

Maxaabiistan oo dhalinyaro u badan ayaa in muddo ah waxay kujireen xabsiyada dalka Itoobiya, waxaana siideyntoda ka dambeysay kadib markii dhawaan uu halkaasi tagay ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta maxaabiistii dhawaan Dowladda Itooobiya ay ku wareejisay Dowladda Soomaaliya ayaa ka soconaysa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.waxana ku sugan warbaahinta ka howlgasha muqdisho kuwaas oo Warbixino ka diyaarin doona Maxaabistaas.

Weli Wadamada Caalamka qaarkood waxaa ku xiran Muwaadiniin Soomaaliyeed balse Madaxda dalka ayaa waxa ay sheegeen in ay dowladdahaas kala hadli doonaan sidii Maxaabiistaas dalka Soomaaliya loo keeni lahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media