Diyaarad Sida Maxaabiis Soomaali ah oo Maanta ka soo dageysa Garoonka Aadan-Cadde

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ay ka soo degto Diyaarad Sida Maxaabiis soomaaliyeed oo laga keenay dalka Hindiya.

Siideynta Maxaabiistaas ayaa ka dambeysay kadib heshiis horay u dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Hindiya,isla markaana Golaha Wasiirada dalkaasi Hindiya ay ansixiyeen.

Maanta oo Sabti ah ayaa waxaa Muqdisho imaanaya Maxaabiistaas oo badankood loo heystay dembi ah in ay ka tirsanaayeen Kooxaha Burcad Badeeda soomaalida,waxana qorshuhu yahay in dalka la keeno ilaa 77 Maxbuus sida ay horay dowladdu u sheegtay.

Masuuliyiin isugu jira xildhibaano, Wasiiro iyo Ehelada ay dadkoodu ku xirnaayeen dalka Hindiya ayaa la filayaa in ay Maxaabiistaas soo dhaweeyaan kuwaas oo haatan ku wajahan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

Horay ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in ay dalka ku soo celiso dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalalka Itoobiya Hindiya iyo jasiirada Seychelles.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media