Diyaarad lagu rasaaseeyey Magaalada Jowhar

Wararka naga soo gaaraya Magalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad Maanta lagu rasaaseeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar.

Diyaaradaan oo sida Qaad ayaa ka timid Magaalada Nairobi.basle Wararka ayaa waxa ay sheegayan in markii Garoonka Jowhar lagu rasaaseeyey ay kas oo tagtay,isla markaana ay ku degatay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.

Sababta dhalisay in diyaaradaas la rasaaseeyo ayaa waxaa lagu sheegay khilaaf soo kala dhex galay Ganacsatada Qaadka ee Magaalada Jowhar,taas oo keentay in markii Diyaaradii la rasaaseeyey ay ka soo tagtay ay mid kale halkaasi ka degtay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Jowhar ka taagnaa tartan u dhaxeeyey Ganacsatada qaadka taas oo hoos u dhac dhinaca Qaadka ah laga dareemay Jowhar,iyada oo Qaadkuu hadda Marduufkii la iibinayo lacag dhan $10 halka markii hore uu ahaa $30.

Xiisada ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya Ganacsatada Qaadka ayaa ka taagan Magaalada Jowhar,iyada oo masuuliyiinta Maamulka Magaalada Jowhar asyan ka hadlin khilaafkaas iyo dhacdada manta Diyaarada Qaadka siday lagu rasaaseeyey.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media