Diyaarad ku jirtay howlgal lagula dagaalamayey Koox hubeysan oo burburtay

Wasaaradda Difaaca ee dalka Faransiiska ayaa xaqiijisay in Diyaarad Dagaal oo ay lahaayeen at shalay ku burburtay dalka Mali, xilli ay Diyaaradda ku jirtay Hawlgalka BARKHANE ee lagula dagaalamayey Kooxaha hubeysan ee ka dagaalanta dalka Mali.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay labadii Duuliye ee la socday Diyaaradaasi ay ka boodeen Diyaaradda, iyadoo mid ka mid ah uu dhaawacyo fudud soo gaareen.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Miraaj 2000 D Jet ayaa waxay ku dhacday Gobalka Hombari ee Waqooyiga dalka Maali.

Wasaaradda Difaaca ee Faransiiska waxay kaloo sheegtay inay bilaabeen Baaritaano la xiriira waxa sababay Burburka Diyaaradda Dagaalka ee ku dhacday dalka Mali.

Kumanaan Askar Faransiis ayaa ku sugan dalkaasi, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka Dagaalka ee BARKHANE.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor