Diyaarad hawada looga celiyay Amar diido uu sameeyay Qof kamid ah Rakaabka

Diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines oo u kala gooshaysay magaalooyinka Miami iyo London ayaa dib ugu laabatay garoonkii ay ka soo kacday, kadib markii qof kamid ah rakaabkii saarnaa uu diiday inuu xirto maaskaraha la isaga difaaco cudurka Covid-19.

Duulimaadka oo uu tirsigiisu ahaa AAL38 ayaa waxaa la socday 129 rakaab ah, waxaana ay diyaaradda dib ugu laabatay garoonka Miami, halkaas oo ay ku sugayeen booliska.

Waxaa diyaaradda laga dejiyay oo booliska loo gacan geliyay haweeney da’deedu lagu qiyaasay 40 jir.

Haweeneyda oo diiday inay xirato maaskaraha ayaa waxaa lagu daray liiska dadka laga mamnuucay inay raacaan diyaaradaha shirkadda American Airlines, balse baaritaan ayaa lagu sameyn doonaa kiiskeeda, sida ay sheegtay shirkadda.

Diyaaradda oo soo duushay Arbacadii ayaa dib u noqotay kadib markii ay muddo saacad ah duulaysay, sida ku cad xogta qalabka lagula socdo duulimaadyada ee FlightAware.

Steve Freeman oo kamid ahaa rakaabka diyaaradda ayaa warbaahinta Miami u sheegay in haweeneyda ay fadhiday qeybta dabaqada koobaad ee diyaaradda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor