Diyaarad Daroon lagu tahriibin jirey Daroogada oo la qabtay

Booliska dalka Spain waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Shaqsiyaad iyo Diyaarad Daroonis oo daroogada loogu kala gudbin jirey dalalka Morooko iyo Faransiiska.

Hawlgalkaasi waxaa iska kaashaday Boliska dalalka Spain iyo Faransiiska, iyadoo 3 Eedeysane lagu qabtay Faransiiska, halka mid kalena lagu qabtay Koonfurta dalka Spain.

Dhamaan Eedeysanayaasha oo ah Muwaadiniin Faransiis asalkooda Morookaan yahay, kuwaasi oo Daroogada geyn jirey Faransiiska.

Dhinaca kale, Boliska waxay sheegeen inay Diyaaradda Daroonis oo leh baalal dhererkoodu dhamaa 4.35 mitir laga helay Guri ku yaalla Tuullo ka tirsan Gobalka AKSARKUWIYA ee Bariga Malaga ee dalka Spain.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor