Diyaarad Daroon ah oo lagu soo riday meel ku dhow Qasriga Boqortooyadda Sacuudiga.

Ciiddanka dalkaasi ayaa la sheegay inay toogteen Diyaaradaasi, iyadoo Baraha Bulshada la soo dhigay is-rasaasayn kooban oo ka dhacday Deegaanka lagu soo riday Diyaaradaasi.

Afhayeenka rasmiga ee Boliska caasimadda Sacuudiga ee Riyaad ayaa xaqiijiyey in Diyaaradaasi fiidnimadii xalay lagu soo riday Bar Kontorool oo ku taalla Xaafadda KHUZAAMA ee Riyaad, wuxuuna xusay inay socdaan baaritaanka arrintaasi.

Dhinaca kale, Sarkaal sare oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS inuusan Boqor Salmaan xilligaasi joogin Qasriga oo uu ku maqnaa Beer uu ku lahaa DeegaankaDIRIYA.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media