Diyaarad ay leedahay Turkish Airlines oo cabsi darted u caga-dhigatay Garoon ku yaalla Kanada.

Boliska Kanada ayaa sheegay inay Diyaaradaasi waaberigii hore soo caga-dhigatay, kadib, markii Duuliyaha loo sheegay in qarax lagu rakibay Diyaaradda.

Diyaaradda oo ay la socdeen 256 qof ayaa ku sii jeeday  Garoonka John F. Kennedy ee magaalladda New York, waxayna ka timid  magaalladda Istanbuul ee Turkiga.

Eeyda u tababaran qaraxyadda ayaa loo adeegsaday in ay baaraan Diyaaradda Turkish Airlines, iyadoo Diyaaradda laga dhex waayey qaraxii lagu sheegay.

Cabsi-gelinta Diyaaradaha Rakaabka ayaa timid kadib Weerarkii bishan November 13-dii oo ay Kooxda Dacaish ku qaadeen magaalladda Paris, halkaasi oo lagu dilay  130-ka qof.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor