Diyaarad ay leedahay Dowlad oo ku burburtay Gobol lagu muransan yahay

Diyaarad Helikopter oo ay Ciiddanka Cirka ee Hindiya lahaayeen ayaa ku burburtay Haro ku taalla Waqooyiga Jaamu Kashmiir.

Ilo Milliteri ayaa sheegay in Labadii Duuliye ee la socday Helikoptarka ay Baarshuut kaga boodeen Diyaaaraddaasi.

Ma cadda waxa sababay burburka Diyaaaradasi oo Duullimaad caadi ah ku jirtay, ka hor intaysan ku dhicin Harada Biyo-xireenka Ranjit Sagar.

Helikoptarada Milliteriga Hindiya waxay soo daabulaan Mas’uuliyiinta si ay Kaalmo u gaarsiiyan dadka ay waxyeeladu ka soo gaareen roobabka culus iyo daadkaka da’ayo dalka Hindiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor