Sawirro:-Diyaar garoowgii ugu dambeeyey ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka socota Muqdisho

Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ee Magalada Muqdisho waxaa hatan ka socda diyaar garoowgii u dambeeyey ee doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo ay u sharaxan yihiin ilaa 11 musharax oo dhammaantood ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada iyo musharixiinta qaar ayaa haatan ku sugan Xarunta Golaha Shacabka,waxaana siweyn loo adkeeyey Xarunta Golaha Shacabka,iyada oo lagu arkayo Ciidamada Booliska Soomaaliya oo garab ka helaya Booliska AMISOM.

Magacyada Musharixiinta Xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

1- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow

2- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur

3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen

4- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe

6- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

7- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar

8- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan

9- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

10- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye

11-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media