Diyaar Garoowga Munaasabad lagu xusayo 15 May oo Muqdisho ka socota

Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan munaasabad lagu xusayo Maalinta Dhalinyarada Somaaliyeed oo  caawa la filayo in lagu qabto Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa ka socota Xarunta dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir  ee Visha Governo.

Munaasabada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir,waxaana ka qeybgeli doona Masuuliyiin uu kamid yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Xog ay heleyso Idaacadda Dalsan ayaa waxay sheegeeysaa in Munaasabadaas uu ka qeybgali doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) balse waxaa la filan karaa in uu ka baaqsado maadaama halkaasi Caawa ay ka dhacday israsaaseen kooban.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana xiran Wadooyinka soo galka Xarunta dowaldda hoose ee Xamar iyadoo Ciidamada dowladda ay Gawaarida u diideen in ay halkaasi maraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media