Diyaar garoow ka jira M/Baydhabo iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku wajahan

Saacada soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu gaaro wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Baydhabo ku wehlin doono kuwaas oo diyaar garoowga soo dhaweyntooda haatan laga dareemayo Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashada Baydhabo horay uga baaqday todobaadkii hore kadib markii uu tegay Magaalada Baraawe oo ah Xarunta rasmiag ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda lama oga sababaha uu Ra’iisul Wasaare Kheyre uu Baydhabo u tegayo balse waxaa la sheegaya in uu booqan doono xerooyin ay ku jiran Ciidamada dowladda ee loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Todobaadkii hore sidoo kale waxaa baaqday kulanka Golaha Wasiirada oo la filayay in Baydhabo lagu qabto balse todobadkaan ayaa sida xogaha an ku heleyno waxaa lagu qaban doonaa Baydhabo.

Ammaanka Baydhabo ayaa Maanta si aad ah loo adkeeyay,waxaana la arkaya Ciidamada dowladda kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka AMISOM oo amniga xaqiijinaya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media