Dipolomaasi British oo mar kale loo soo magacaabay Ergayga QM ee Arrimaha Somalia.

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon waxa uu caawa soo magacaabay Ergaygii beddeli lahaa Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia.

Ergayga cusub oo lagu magacaabo Michael Keating waa Muwaadin 56 jir ah, wuxuuna beddeli doonaa Ergayga QM ee Somalia, Nicholas Kay oo bisha soo socota xilka ka degi doona.

Michael Keating waxa uu haatan Agaasime Cilmi-baare ka yahay Aqalka The Chatham House ee hoos taga Machadka The Royal Institute of International Affairs.

Diplomaasi Michael Keating waxa uu soo maamulay tiro Mashaariic Nabadayn ah, xida Xilligii Kala-guurka Siyaasadda ee dalka Afganistaan.

Ilaa dhamaadkii 2012-kii, waxa uu ahaa Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha dalka Afganistan.

Waa La-taliye Xalinta Colaadaha, waxa kale oo uu inta badan diyaariyaa Qorshaha Ficilada ee QM, gaar ahaan Xoojinta doorka QM ee in dadka  laga badbaadiyo Khataraha Dagaalladda, gaar ahaan dalka Syria.

Waxa uu khibrad u leeyahay Isku-xirka u dhexeeya Kaalmooyinka Horumarinta, Siyaasadda iyo Dowlad-wanaaga.

Waxa uu ka soo shaqeeyey dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, Bariga Dhexe iyo Wadadnka Afganistan.

Waxa kale oo uu La-taliye dhinaca Maamulka u ahaa Hay’adda QM ee Horumarinta Barnaamijyadda (UNDP) ee magaalladda New York muddadii u dhexeysay sannadihii 1999-kii ilaa 2001-dii.

Wuxuu kale oo uu La-taliye u ahaa Xafiiska QM ee Isku-xirka Hawlaha Samafalka ee dalka Afganistan muddadii u dhexeysay sannadihii 1997-dii ilaa 1999-kii.

Khibradiisa kale ee Hawlaha QM ee uu soo qabtay waxaa ka mid ah:

  • 2004-tii ilaa 2008-dii: Wakiilka QM ee dalka Malawi.
  • 2008-dii ilaa 2010-kii: Waxa uu ahaa xubin ka tirsan Qeybta Barnaamijyadda Afrika ee Xarunta Chatham House.
  • 2010-kii ilaa 2012-kii: Waxa uu ahaa Ku-xigeenka Ergayga QM ee dalka Afganistan.

Diplomaasiga Michael Keating waxa uu Shahaada Master of Arts ee  dhinaca Taariikhda kaa qaatay Jaamacadda ka qalin jebiyey Jaamacadda The University of Cambridge.

Michael Keating waxa uu ku dhashay caasimadda dalka Uganda ee Kampala sannadkii 1959-kii, waana  Xaasle afar carruur leh.

© Radio Dalsan    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor