Diplomaasi u dhashay dalka Sierra Leone oo ka tirsanaa Xafiiska QM ee Somalia oo shaqada la cayriyey.

Xafiiska QM ee Somalia ayaa shaaciyey in shaqada laga cayriyey Diplomaasi u dhashay dalka Sierra Leone, kadib, markii lagu helay inuu isdaba mariyey Deeqaha Lacageed ee ay Beesha Caalamka ugu tala-galeen Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka Somalia ee Somalia National Army (SNA).

Diplomaasigaasi oo lagu magacaabo Amadu Kamara ayaa ahaa Agaasimaha Taageeradda Hawlgalladda ee Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) iyo Agaasimaha Xafiiska QM ee UNSOA ee Taageero-siinta Hawlgalka Ciiddanka Nabad-ilaalinta AMISOM.

Mas’uulkaasi oo xubin ka ahaa Guddiga QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eriteria ayaa la sheegay in xilka laga qaaday maalintii Talaadada ee la soo dhaafay.

Shabakadda Wararka ee Alleastafrica.com ayaa qortay in Mas’uulkaasi lagu helay labo Faldembiyeed oo kala ah:

  1. Isagoo Qandaraas Shaqo siiyey Shaqsiyaad uu kula heshiiyey inay Wadaagaan Kharajka Qandaraaskaasi.
  2. Isagoo lunsaday Kharaj ay Beesha Caalamka ugu deeqeen Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka ee Somalia National Army (SNA).

Amadu Kamara waxa uu QM ka hawl bilaabay bishii October ee sannadkii 1993-kii, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay dhowr dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika.

Amadu Kamara waxa Bishii April ee sannadkii 2012-kii loo soo beddelay Xafiiska QM ee Somalia, iyadoo uu isku hayey dhowr Xil oo aad muhiim ugu ah Xafiiska QM ee Taageero-siinta ee AMISOM.

Saraakiisha Ciiddanka Qaranka Somalia ayaa horey ugu eedeeyey Mas’uulkaasi iyo kuwo kale oo ka tirsan Xafiiska UNSOM inay xayireen Kharaj Kaalmo ah oo ay Beesha Caalamka ugu tala-galeen Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor