Diplomaasi sheegay in Itoobiya ay door ku leedahay hirgelinta doorashada 2016 ee Soomaaliya

Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo la hadlay idaacada Dalsan xaruunteeda dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo muhiim ah oo ku aadan marxaladaha siyaasadeed ee uu xilligan Dalka marayo,

Diplomaasigan ayaa carabka ku dhuftay in Dawlada Itoobiya ay galaangal weyn ku leedahay siyaasada Soomaaliya door muuqdana ka ciyaareyso habdhiska nidaamka loo abaarayo Xildhibaanada cusub ee la dooran doono dabayaaqada Sanaddkan isagoona daliil usoo qaatay  in Itoobiya ay damiin ka tahay heshiisyada maamul goboleedyada hada dhisan qaarkood .

Siyaasigan ayaa sidoo kale taageeray heshiiskii Garoowe uu Madaxweyne Gaas kaga tanaasulay mowqifkiisa ku aadanaa nidaamka 4.5 ama hanaanka beelaha Dawlada cusub ay wax ku qeybsaneyso.

Ugu dambeyn Maxamed Maxamuud Nuur Caalin ayaa ku taliyay in loo baahan yahay in dadka Soomaalida ay cashir ka qaataan Dawladii marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed oo ciidamada faraha badan wadatay hadana aanan wax badan xalin wuxuna xusay culeyska siyaasadeed ee saaran dadka  Soomaalida in looga bixi karo kaliya in la heshiiyo maadaama ay taladooda iyagu u taalo.

Halkan ka dhageyso