Diplomaasi Ethiopian oo xaqiijiyey Booqashadda Madaxweyne Farmaajo ee Addis Abeba.

Kadib, calawsanaan Siyasadeed iyo Tuhuno kale  oo la hadal hayey inuu hareeyey Xiriirka Somalia iyo Ethiopia ayaa waxa uu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo aqbalay Casuumaad ka soo gaartay Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Haile Mariam Desline.

Diplomaasi Ethiopian ah oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa xaqiijiyey inuu Madaxweynaha Somalia booqasho 2 maalmood ku tegi doono magaalladda Addis Abeba maalinta Arbacada ee soo socota.

 

Labada Hoggaamiye waxay  ka wada hadli doonaan Ammaanka Gobalka, Xiriirka iyo Istraatijiyadada Iskaashiga Ammaanka ee labada Dowladood.

Madaxweyne Farmaajo waxa kale oo uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Ethiopia , Mulatu Teshome.

Sarkaal kale oo u hadlay Urur-gobaleedka IGAD ayaa isagana sheegay in qoddobadda ugu muhiimsan Wada-hadalkooda diirada lagu saari doono  sida loo xoojin karo Xiriirka Labada dal, Xaalladda Ammaanka Somalia, Hawlaha Samafalka iyo Arrimaha Walaaca leh ee ka aloosan Mandiqada

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo inta uu booqashada ku joogo magaalladda Addis Abeba waxa uu la kulmi doonaa Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Mu

Diplomaasi ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo ku sugan Addis Abeba ayaa isagana sheegay in Kulankaasi diiradda lagu saari doono Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia iyo Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

Booqashadda Madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Addis Abeba ayaa ku soo beegmayso iyadoo Sarkaalka Ethiopianka ee Jeneral Gebre Heard uu dhawaan sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo wax u dhimay Sharafta Ciiddanka Ethiopia ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kadib, booqashaddii Madaxweynuhu ku tegay magaalladda Baydhabo.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu shalay Waraaqihiisa Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Ethiopia u jooga Somalia, Jamaaludiin Mustafa Cumar,

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media