Diplomaasi Caalin ” waa in la dhaqangaliyaa go,aankii Madasha oo uu madaxweynaha beesha caalamka ka balan qaaday”

Maxamed maxamuud Nuur Caalin oo ah Doplamasi ka faalooda  arimaha siyaada Soomaaliya oo wareysi siiyay idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed  ee xilligan Dalka marayo isagoona sheegay xeerka Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ansixiyay heshiiskii madasha oo ay ansixintiisa Baarlamaanka ku guul dareysteen in la dhaqan galiyo,

Doplamaasi Caalin ayaa taageeray go,aanka Madaxweynaha wuxuuna sheegay in go,aankan loo eegay dhinaca maslaxada maadaama Dawlad kasto markii lagaaro mudo xill dhamaadkeeda in uu khilaaf hareeyo taasina ay keento in Wadamada dariska lagu xaliyo si aysan taasi u dhicin ayuu  Madaxweynuhu garowsaday  in xeerkaan uu soo saaro,

Caalin ayaa sheegay in marka laga eege sharciga uu Madaxweynuhu xaq u leeyahay badbaadinta qaranka hadii uu u arko in xaalada Dalka khatar galeyso in uu isagu leeyahay go,aanka ugu dambeeya

Wuxuuna ku baaqay in aan Dalka loo horseedin bur-bur si cadawga aysan fursad ugu noqon sida uu hadalka udhigay

Ugu dambeeyn siyaasiga Maxamed Maxamuud Nuur Caalin ayaa  Baarlamaanka Soomaliya ugu baaqay in ay taageeraan go,aakan oo ah Wadada lagu dhisayo fadaraalka wuxuuna kula taliyay Baarlamaanka Soomaaliya in ay dhageystaan in hanaanka doorashada loogu diyaar garoobayo  si hufan oo  ay niyad sami ku jirto una jajabin Baarlamaanku   qabiil qabiil iyo koox koox loona baahanyahay in ay arintaan dulqaadkeeda yeeshaan  si ay u guuleysato doorashada dabayaaqada Sanaddkan,

Wariye Cabdi Waxiid ayuu la hadlay

Halkan ka dhageyso:-