Diplomaasi Caalin: ”Hawl Adag ayaa Hortaalla Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka”

120120_002 Diplomaasi Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo Dawlada Filland kala taliya arimaha Soomaliya oo hadlay  ayaa ka shanqariyay  arimo dhowr ah oo marxalada siyaasadeed Dalka xiligan marayo  taas oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka la filayo in ay Dalka ka dhacaan ,arimaha Maamul Goboleedyada iyo Isbadalka wakiilka cusub QM iyo kii hore ee labaday.

Diplomaasigan  ka faalooda arimaha siyaasada Soomaliya ayaa sheegay in dad badan oo Soomali Ah ay shaki ka qabaan  sida loo aamini karo gudiga madaxa bananaan ee doorashooyinka Dalka Maadaama xeel dheerayaasha ay tuhmayaan in ay dhinac u janjeeraan waxaan gudigaas gudoomiye ka ah  Xaliimo Isnaaciil Yareey  oo iyadu  ka qeyb qaadatay Dhismaha Maamul Goboleedka Galmudug  sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale Caalin ayaa kahadlay isbadalka Wakiilada QM ee arimaha Soomaliya lagu sameeyay Dawayaaqaa Sanaddkii tagay wuxuuna   sheegay midkan cusub in uusan waxba ka dubanaan Doonin kii hore islamrkaan uu mari doono siyaasadee uu jeexay Nicholas Kay maadama ay hal Wadan ka soo wada jeedaan

Ugu dmbeeyn Maxamed Maxmuud Nuur Caalin ayaa sheegay in ay ku fashilmeen  Dawlada Caalamka gaar ahaan wadamadii balanqaaday inay Soomaliya ka hirgaliyaan mashruuca New Deal-ka.

Wuxuuna ku taliyay in shacab ahaan iyo Dawlad ahaan ay Dadka muujiyaan dareen siyaasadeed Oo ay wadaniyad ku dheehantahay si looga faa,ideeysto Sanadka cusub iyo isbadlaka Siyaasadeed ee soo socda.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor