Diplomaasi shalay ku geeriyooday iyo mid kale oo ku dhaawacmay qaraxii Jazeera Hotel

Gaari laga soo buuxiyey waxayaabaha qarxa ayey Alshabaab shalay galab ku weerareen Hotelka Jazeera oo aan kaa fogeyn Garoonka Caalamigaa ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Is-qarxintaasi oo sababtay dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hantiyeed, ayaa waxaa dadkii ku geeriyooday ka mid ahaa Diplomaasi ka tirsan Safaaradda Shiinaha ku leedahay dalka Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka, Abdisalam Hadliye omar oo isagoo ku sugan dalka Djibouti la hadlay Wakaalladda Wararka Maraykanka ee AP ayaa sheegay  inuu weerarkaasi ku geeriyooday Diplomaasi u dhashay dalka Shiinaha, kuna dhaawacmaay Diplomaasi Kenyaan ah.

Hotelka Jazeera oo ka mid ah Hoteelladda ugu ammaanka wanaagsan magaalladda Muqdisho waxa deggan Diplomaasiyiin, Saraakiil ka tirsan Hay’addaha  Calaamiga, Qurbo-joog iyo dad kale.

Waxaana Safaarado ku dhex leh Hotelkaasi dalalka Shiinaha, Qatar, Kenya  iyo Masar.

Dhinaca kale, Alshaabaab ayaa sheegtay Is-qarxintaasi oo ay tilmaameen inay kaga aar-goosanayeen weeraradda iyo duqeymaha lala beegsaday Deegaanaddii ay ka joogeen qeybo ka mid ah K/galbeed ee Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor