Dilkii labaad oo Maanta ka dhacay Xaafad ka mid ah Muqdisho

Rag bustoolado ku hubeysnaa ayaa waxa ay xaafad ka mid ah degamda Howl-wadag ee gobolka Banaadir ku dileyn Nin Nabaddoon ah oo degmadaasi Caanka ahaa.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Cali Shire oo ka tirsan degamda Howl-wadaag,waxaana nabadoonka la dilay lagu Magacaabi jiray Xuseeen Geedi Jimcaale.

Qofka mid ah Dadka ku nool Xaafada Cali Shire ayaa sheegay in Nabadoonka lagu dilay Albaabka hore ee gurigiisa,iyada oo raggii ka dambeeyey dilkiisa ay baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay wallow aysan ku guuleysan in ay Gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyey dilka Nabaddoonkaas.

Waa dilkii labaad ee Saacado gudahooda ka dhaca Muqdisho,waxana isla Maanta agagaarka Jaamacadda Ummada Xarunteeda Xamarweyne uu askari ka tirsan ciidamada dowladda ku dilay Darawal Mooto bajaaj.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media