Dilal qorsheysan oo ka kala dhacay Xaafado ka tirsan Magalada Muqdisho

Gelinkii dambe ee shalay ayaa muqdisho waxaa kooxo hubeysan ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Laanta dembi-baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,iayda oo dadkii ka dambeeyey dilkaas ay baxsadeen.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi Jiray Xasan Dheere ayaa waxaa dhowr xabadood qeybta sare ee Jirka kala dhacay Dhalinyaro hubeysan oo ugu tagtay Meeshii uu ku sugnaa, Dilka kadib goobta oo aan ka fogeyn Xarunta Degmada Waxaa deg deg ugaaray Ciidamada amniga kuwaasoo sameeyay baaritaan aan la soo sheegin in wax dad ah lagu qabtay.

Dhinaca kale Kooxo hubeysan ayaa xalay Xaafada Odweyne ee degmada Deeyniile Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen Nin la Sheegay in uu barre ka ahaa mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho .

Ninkaan oo Magaciisa ay goobjoogayaal ku sheegeen Ismaaciil Cadoow Nuur ayaa la sheegay in uu inta aan la dilin ka hor ka soo baxay Garaash uu ku xareestay Baabuur uu lahaa balse ay dileyn rag bustoolado ku hubeysnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa goobta gaaray wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyey dilka Wiilkaasi Dhalinyadra ahaa oo la sheegay in uu ahaa Macalin Jaamacadeed.

Sikastaba dilalkaan ayaa ku soo aadaya xili Habeen ka hor Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre uu kulan amniga looga hadlayay la qaatay taliyayaasha Ciidamada booliska iyo Maamulka gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media