Dil toorey loo adeegsaday oo Caawa ka dhacay Xaafad ka mid ah Muqdisho

War goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in qeybo ka mid ah xaafada Tokiyada  degmada Yaaqshiid lagu dilay Nin Dhalinyaro ah oo Caanka ahaa degmadaas.

Ninkaas oo Magaciisa lagu sheegay Sayid Cali ayaa da’diisa waxaa lagu qiyaasay 25-30,waxaana dadka deegaanka  ay sheegeen in uu qabay xanuun mararka qaar ku soo kici jiray,isla markaana dhaawac loo geystay uu u dhintay.

“Runtii Wiilkaas caawa waxaa u yimid xanuunkii ku dhici jiray gurigooda ayuu ka soo cararay wuxuu oo  Mid ka mid ah guryaha ku yaalla Tokiyada Yaaqshiid intaasi  kadib waxan aragnay isaga oo tooreey ku dhaawacan isbitaalka ayaan geynay wuuna ku geeriyooday isbitaalka ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka”

Wararkii u dambeeyey ee aan Caawa heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in goobta uu falka ka dhacay ee Xaafada Tokiyada degmada Yaaqshiid ay agareen ciidamo ka tirsan dowladda,isla markaana ay gacanta ku dhigeyn Nin la sheegay in uu tooreyda ku dilay Wiilka xanuunsanaa.