Dil saakay ka dhacay degmada Waaberi ee G/Banaadir

Kooxo hubeysan ayaa saakay aroortii qeybo ka mid ah degmada Waaberi waxa ay ku dileen nin Ganacsado ah oo ka mid ahaa dadka ku nool degmadaasi.

Falkaan ayaa ka dhacay Xaafada lagu magacaabo Suuqa-beerta ee degmada Waaberi,iyadoona dadkii dilay ninkaas ay goobta ka baxsadeen.

Ninka la dilay ayaa dadka ku nool degmada Waaberi gaar ahaan suuqa beerta waxa ay ku sheegeen in uu ka mid ahaa dadka Sariflayaasha ee ku nool degmadaas laguna magacaabi jiray Sheekh Axmed.

Dilka ka dib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku waas oo baaritaano halkaasi ka sameeyay walow aan cidna loo soo qaban dilkaas.

Weli faah faahino dheeraad ah oo intaas ka baxsan lagama helin dilka saakay Ninka Ganacsadaha ah loogu geestay degmada Waaberi ee gobolkaan Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media