Dibadbaxayaal Soomaali oo socod cabasho ah ka dhigay magaalladda Bristol ee dalka Britain.

U-ololeeyaal ka soo horjeeda Is-faquuqa ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Xarunta laga raaco Baasaska ee magaalladda Bristol, iyagoo cabasho ka muujinaya qaabkii xumaa ee  ay Shirkadda Basaska ee The National Express Coach Company kula kaceen Nin Soomaali ah.

Soomaalida waxay ku baaqeen in baaritaan buuxa lagu sameeyey sababihii  dhaliyey in Nin Soomaali ah laga soo tuuro mid ka mid ah Basaska Shirkadaasi, waxayna sheegeen inaan la qaadan karin Falkaaasi Isir-nacaybka ah.

EXPRESS BUSMid ka mid ah Agaasimayaasha Shirkadda Basaska National Express ayaa haatan oggolaaday inuu la kulmo Koox ka socota Soomaalida dhigtay Dibadbaxa Cabashadda.

Arrintan ayaa soo baxday, kadib, markii ay labo ka mid ah Rakaabka Baska ay Nin Soomali ka tureen Baska, sababo la xiriiray isagoo Muslim ah.

Ninka falkaasi lagu kacay oo lagu magacaabo Ibrahim Mohamed Ismail ayaa arrintaasi ku soo bandhigay Wargeysyadda ugu waa weyn dalka Britain.

Mohamed Ali oo ka mid ahaa Abaabulayaasha Dibadbaxa auaa sheegay inuu Ibrahim Mohamed Ismail dareemayo cadaadiska iyo inay isaga u muujinayaa Taageero,kana xun yihiin qaabkii xumaa ee lagula dhaqmay.

Guddoomiyaha Golaha Masjidka Brostol, Arif Khan ayaa sheegay inaan ninba laga tuurin bas uu kharaj ku raacay, waana xanuun uu qof kasta dareemayo arrimaha Diintiisa.

“Waxaan jecel nahay in Baaritaan Buuxda lagu sameeyo Dhacdadaasi” ayuu yiri Arif Khan.

BRISTOL

© Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor