Dibadbaxayaal Ethiopian ah oo dhaliilay Ciiddanka Ethiopianka ee hawlgalladda u jooga Somalia iyo dalal kale

Tobanaan Dibadbaxayaal Ethiopian ah oo shalay dhigayey Dibedbaxyo ay kaga soo horjeedeen falkii ay Kooxda Daacish ku dileen 30-qof oo Ethiopian ku sugnaa dalka Libya ayaa waxay  isku dhaceen Boliska.

Dibadbaxaasi oo shalay ka dhacay Fagaaraha Meskel ee magaalladda Addis Abeba ayaa isku beddelay rabshado, kadib, markii ay Dibadbaxayaasha dhaliileen siyaasadda Dowladda Ethiopia ee sugidda Ammaanka.

“Dowladda Ethiopia waxay ciiddamo u direen Somalia, Liberia, Burundi, laakiin Dowladda ma awoodo inay Muwaadiniinteeda badbaadiso” ayuu ku qeyliyey mid ka mid ah Dibadbaxayaasha.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Ethiopia qabanayaan  hawlihii QM iyo Ururka Midowga Afrika (AU)-da  ee Arrimaha Nbaad-ilaalinta.

.Si kastaba ha ahaatee, Dibadbaxaasi ayaa yimid hal bil ka hor, marka ay Ethiopia ka dhici doonaan Doorashadda Barlamaanka oo ah tii ugu horreysay oo dalkaasi ka dhacdo tan iyo markii uu geeriyooday Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi, Meles Zenawi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor