Dibadbax looga soo horjeedo Musharax Donald J.Trump iyo Websaytkiisa oo muddo kooban la xayiray.

Kooxaha loogu yeero Burcadda jabsata Internetka waxay shalay muddo hal saac ah hawada ka saareen mid ka mid ah Websaytyadda uu Musharaxa Donald J.Trump u adeegsanayo Ololihiisa Doorashadda Madaxtinimadda ee dalka Maraykanka.

donald j.trumpDonald J. Trump oo ah Ganacsade dhismo 68 Dabaq ah ku leh Manhattan ee Gobalka New York ayaa la sheegay in Websaytkiisa hawada si kooban looga saaray, kadib, markii uu ku baaqay in Muslimiinta laga xayiro inay soo galaan Maraykanka.

HACKERSKooxaha jabsada Internetka “ hackers” markii ay hawada ka saareen Markii Websaytkiisa waxay Twitterka soo dhigeen inay tallaabadaasi u qaadeen hadalkii Donald J. Trump ku muujiyey nacaybka iyo Xag-jirnimadda uu u muujiyey dadka Muslimiinta.

Musharaxa Donald J. Trump waxa uu Cambaarayn Caalami ah kala kulmay hadalka uusan u fiirsanin ee uu ku sheegay in Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka.

Hadalkaasi ayaa waxa uu utun ku noqday Sumcadiisa iyo Mustaqbalkiisa, waayo waxa uu abuuray Xiisad ay ku kala qeybsami karaan  Dadyowga kala Diinta ee si nabad ah u wada deggan Maraykanka.

Dhinaca kale, Dibadbaxayaal ka caraysan hadalkii Musharax Donald J. Trump ayaa waxay shalay (Jimco) dibadbax ka dhigeen Faras-magaalladda Manhattan, inkastoo ay Ilaaladda Ammaanka ay ku tacadiyeen qaar ka mid ah Dibadbaxayaasha.

Jamiila Xamaami oo ah Agaasimaha Fulinta ee Mashruuca The Queer Detaine Empowerment Project ayaa ka mid ahayd Dibadbadayaasha bannaanka loo saaray.

Waxay sheegtay in mid ka mid ah Ilaaladda uu  timaheeda qaawiyey, uguna hanjabay inuu jaranjarada dabaqa ka tuuri doono.

Muquaal Video ah ayaa isagana muujinaya haweeney ka mid ahayd Dibadbaxayaasha oo dhulka jiifta, kadib, markii uu mid ka mid ah Saraakiishaa Ilaaladda oo horey u tuuray haweeneydaasi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor