Dibadbax Looga Soo Horjeeday Maamulka Somaliland Oo Ka Dhacay Laascaanood

Taageerayaasha Maamulka Khaatuma State Oo Ka Soo Horjeeda Gooni U Goosadka Maamulka Somaliland Ayaa Galinkii Dambe Ee Maanta Waxaa Ay Dibadbax Rabshado Wata Ay Ka dhigeen Magaalada Laascaanood Ee Gobolka Sool.

Dibadbaxayaasha Ayaa Taayaro Ku Gubay Wadooyinka Magaaladaasi Iyaga Oo Ku Dhawaaqayay In Soomaaliya Ay Tahay Mid qura.

Ciidamadda Maamulka Somaliland Oo Banaanbaxaasi Kasoo Horjeeda Ayaa Rasaas Ku Furay Dadkii Dibadbaxa Sameynayay.

Ilaa Hadda Lama Xaqiijin Khasaaraha Dhabta Ah Ee Ka Dhashtay Rasaasta Ciidamada Somaliland Ay Fureen.

Dibadbaxa Ayaa Ku Soo Beegmay Iyado Maanta Deegaanada Somaliland laga Xusayay 24 Sano Guurada Kasoo Wareegatay Markii Somaliland Ay Ku Dhawaaqeen In Ay Ka Go’een Soomaaliya Inteeda Kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor