Dib u dhac ku yimid Kulankii Maanta ee baarlamaanka Soomaaliya

Saacadihii la soo dhaafay waxaa la hadalhayey in Magalada Muqdisho Maanta oo sabti ah uu ka furmayo Kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya,iyada oo uu weli jiro khilaafka u dhaxeeya Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xalay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay kulamo gooni gooni ah si uu kulankaasi u qabsoomo wallow qabsoomida kulanka aan lagu wargelin xildhibaannada ayaa hadana waxaaa dib loo dhigay kulankaas kadib kulan Madax ka tirsan dowladda iyo Xildhibaanada mooshinka ka waday Jawaari ay kulmeen.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayeen in Xildhibaanada mooshinka ka waday Jawaari ay doonayeen in kulanka manta la horgeeyo mooshinkaas kadibna cod loo qaado balse dib loo dhigay.

Warar aan helnay ayaa sidoo kale wax ay sheegayaan in kulanka Baarlamaanka ay macquul tahay in Maalinta Isniinta ah uu qabsoomo,waxana dadka muqdisho ay weli xasuustaan shaqaaqadii Arbacadii ka dhacday xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Shalay ayaa Xildhibaanada mooshinka ka keenay Jawaari kulan ay muqdisho ku yeesheen waxa ay ugu baaqeen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa ay markale ugu baaqeen in uu is casilo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media