(Akhriso Magacyada): 8 Dhalinyaro lala xiriirinayo Al-Shabaab oo Dib-u-dhac kale ku yimid Maxkamadayntooda

8 Dhallinyaro Soomaali ah ayaa la sheegay inay shalay ka soo hor muuqdeen Garsooraha Waaxda Dembiyadda Caalamiga ee Maxkamadda Sare ee dalka Uganda oo lagu magacaabo  Michael Elubu.

Dacwad-oogayaasha Maxkamadda waxay ku eedeeyeen Dhallinyaradaasi inay taageereen Hawlgallo ay Alshabaab ka fuliyeen Uganda intii u dhexeysay bishii September ee sannadkii 2010-kii ilaa 2014-kii, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inay Sirdoonka Boliska Uganda ku raad-joogeen  Isgaarsiin ay Eedeysanayaasha kula hadleen Taliye ka tisan Alshabaab oo magaciisa lagu sheegay Aadan Garaar, si ay u qorsheeyaan weeraro ay ka geysteen gudaha dalka Uganda.

Shabakadda Idaacadda Dowladda Uganda ee URN ayaa sheegtay in Muwaadiniinta Soomaalida ee shalay la soo taagay Maxkamadda dacwadooda loo cuskanayo  Sharciga Uganda ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, waa sida ay Idaacadda shaacisay

Dhegeysiga Dacwadii shalay ayaa la sheegay in la hakiyey, kadib, markii ay Xeer-beegtida culays kala kulmeen Eedeysanayaasha oo ku dooday inaysan haysanin Qareenadii Sharciga ee difaaci lahaa, isla markaana aysan dacwaddu sii socon Karin iyagoo aysan jirin Qareeno wakiil u ah oo jooga Madasha  Maxkamadda.

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha  oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi ayaa u sheegay Xeer-beegtida Maxkamadda inaysan diyaar u ahayn inay Dacwadooda sii socoto, maadaama aysan lahayn Qareeno iyaga wakiilo u ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay dadaal u galeen sidii ay ula xiriiri lahaayeen Qareenkooda oo lagu magacaabo Mc Dusman Kabege, balse ay Mobayladiisa ahaayeen kuwo aan la heli Karin.

Waxay kaloo codsadeen  inuu Maxkamadda ugu yimaado Sheekh Maxamed C/llaahi, si uu ugu noqdo Turjumaan iyaga ka saacida Dacwadaasi.

Hal Eedeysane oo lagu magacaabo Yuusuf Cismaan Xuseen oo keliya ayaa leh Qareen isaga difaaca, kaasi oo ku sugnaa Maxkamadda.

Qareenkaasi oo lagu magacaabo Sylvia Namawejje kama uusan jawaabin Codsiga Eedeysanayaasha kale oo ka dalbaday inuu joojiyo Dacwaddooda, balse 3 Qareen oo ka tirsan Xeer-ilaalinta Uganda ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Taageero Sharci siiyaan Eedeysanayaasha, si ay u sii socoto dhegeysiga Maxkamadooda.

Garsooraha Waaxda Dembiyadda Caalamiga ee Maxkamadda Sare ee dalka Uganda oo lagu magacaabo  Michael Elubu ayaa sheegya inuu ku faraxsan yahay in Dhegeysiga Dacwadaasi dib loo dhigo ilaa bisha June 12-da ee sannadkan 2018-ka.

8 Dhallinyaro Soomaali ah ayaa la sheegay inay shalay ka soo hor muuqdeen Garsooraha Waaxda Dembiyadda Caalamiga ee Maxkamadda Sare ee dalka Uganda oo lagu magacaabo  Michael Elubu.

Dacwad-oogayaasha Maxkamadda waxay ku eedeeyeen Dhallinyaradaasi inay taageereen Hawlgalo ay Alshabaab ka fuliyeen Uganda intii u dhexeysay bishii September ee sannadkii 2010-kii ilaa 2014-kii, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inay Sirdoonka Boliska Uganda ku raad-joogeen  Isgaarsiin ay Eedeysanayaasha kula hadleen Taliye ka tisan Alshabaab o omagaciisa lagu sheegay Aadan Garaar, si ay u qorsheeyaan weeraro ay ka geysteen gudaha dalka Uganda, waa sida ay  hadalka u dhigay

Shabakadda Idaacadda Dowladda Uganda ee URN ayaa sheegtay in Muwaadiniinta Soomaalida ee shalay la soo taagay Maxkamadda dacwadooda loo cuskanayo  Sharciga Uganda ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, waa sida ay Idaacadda shaacisay

Dhegeysiga Dacwadii shalay ayaa la sheegay in la hakiyey, kadib, markii ay Xeer-beegtida culays kala kulmeen Eedeysanayaasha oo ku dooday inaysan haysanin Qareenadii Sharciga ee difaaci lahaa, isla markaana aysan dacwaddu sii socon Karin iyagoo aysan jirin Qareeno wakiil u ah oo jooga Madasha  Maxkamadda.

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha  oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi ayaa u sheegay Xeer-beegtida Maxkamadda inaysan diyaar u ahayn inay Dacwadooda sii socoto, maadaama aysan lahayn Qareeno iyaga wakiilo u ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay dadaal u galeen sidii ay ula xiriiri lahaayeen Qareenkooda oo lagu magacaabo McDusman Kabege, balse ay Mobayladiisa ahaayeen kuwo aan la heli Karin.

Waxay kaloo codsadeen  inuu Maxkamadda ugu yimaado Sheekh Maxamed C/llaahi, si uu ugu noqdo Turjumaan iyaga ka saacida Dacwadaasi.

Hal Eedeysane oo lagu magacaabo Yuusuf Cismaan Xuseen oo keliya ayaa leh Qareen isaga difaaca, kaasi oo ku sugnaa Maxkamadda.

Qareenkaasi oo lagu magacaabo Sylvia Namawejje kama uusan jawaabin Codsiga Eedeysanayaasha kale oo ka dalbaday inuu joojiyo Dacwaddooda, balse 3 Qareen oo ka tirsan Xeer-ilaalinta Uganda ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Taageero Sharci siiyaan Eedeysanayaasha, si ay u sii socoto dhegeysiga Maxkamadooda.

Garsooraha Waaxda Dembiyadda Caalamiga ee Maxkamadda Sare ee dalka Uganda oo lagu magacaabo  Michael Elubu ayaa sheegya inuu ku faraxsan yahay in Dhegeysiga Dacwadaasi dib loo dhigo ilaa bisha June 12-da ee sannadkan 2018-ka.

Waxa uu ballan qaaday inuu Ogeysiis u diri doono Qareenadda Eedeysanayaasha, si ay iyaga iyo Turjumaankooda u so oxaadiraan Dhegsyisga soo socda ee Maxkamadaasi.

Dhinaca kale, 8-da Eedeysane ee shalay la so otaagay Maxkamadda Sare ee Uganda waxaa magacyadooda lagu kala sheegay:-

Maxamed C/qaadi Xersi oo loo yaqaano Maxamed C/casiis Aadan,

Cabdi C/llahi Bootan,

Xasan C/weli  Maxamuud,

Maxamed Axmed Geelle,

Yuusuf Cusmaan Xuseen,

Cabdi Maxamed,

Yasmin Abdullahi Aadsn iyo

Hodan Axmed Daahir

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media