Dhul Xeebeed ka tirsan Hir-Shabeelle oo boob uu ka socdo iyo Wasaaradda Dekadaha oo ka digtay(Warxaafadeed)

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu sheegay in xilliagan uu jiro dhul boob ka socda deegaanada Xeebta ah ee Maamulkaas.

Warsaxaafadeedka oo uu ku saxiixan yahay Wasiir kuxigeenka Wasaaradaas Xuseen Maxamuud Tuuryare ayaa lagu sheegay in Wasaaaraddu ay soo gaareen in sisharcidarro ah ay dad ku cabiranaayaan dhulal,iyaga oo aan ku wargelin Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa digniin loo diray dadka xilligaan ku howlan in ay cabirtaan dhul Xeebeedka deegaanada Hir-Shabelle,iyaga oo lagu amray in ay joojiyaan.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media