Dhowr Wasiir oo iska casilay Maamulka Somaliland

Lix Wasiir, W/Xigeeno iyo Afhayeenkii Madaxtooyadda Somaliland ayaa si wadajir ah isku casilay,, waxayna cambaareeyeen Siyaasadda cusub ee Madaxweyne Silaanyo.

Wasiiradda ugu tunka weyn ee is-casilay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii Madaxtooyadda, Xersi Cali Xaaji Xasan, Wasiirkii Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabdi Aw Daahir, Caddaaladda, Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Hawlaha Guud, C/risaaq Khaliif, W/xigeenka Deegaanka, Prof. Axmed Xasan. W/xigeenka Dib-u-dejinta, Nimco Qawdhan iyo Afhayeenkii Madaxtooyadda, Axmed Cukuse.

Wareysiyo ay siiyeen Warbaahinta Maxaliga iyo kuwa Caalamiga ayey ku sheegeen inay qoonsadeen Madaxweyne Silaanyo oo ay sheegeen inuu u xagliyey Garab ka mid ah Garabyadda Xisbiga Kulmiye ee isku haya Musharaxnimadda Madaxweynenimadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland,  Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inuu Madaxweyne Silaanyo dhinac u janjeeray, isla markaana uu taageeray Wasiiro ka soo jeeda Beeshiisa, waa sida uu hadalka u yiri.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor