Dhowr Isbaaro oo Ciidamadu ay ku guuleesteen in saacadihii u dambeeyay ay qaadaan

Wararka naga soo gaaray qeybo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Maamulka Galmudug ay bilaabeen howlgal ay kula dagaalamayaan kooxo burcad ah oo xiliyada qaar wadooyinka dhigta Jidgooyooyin ay Gawaarida lacago uga qaadanayaan.

Howlgalka ayaa intiisa badan waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen deegaano ay kamid yihiin Godinlabe,Bali-higis iyo deegaano kale,waxana Ciidamada arintaan Isbaaro qaadista ah kala shaqeynayay Odayaasha dhaqanka ee deegaanadaas.

Ciidamada ayaa intii ay howgalka wadeen majirin cid dagaal kala hortimid waxa ayna ku guuleesteen in ay qaadaan ku dhawaad 10 isbaaro oo Maleeshiyaad hubeysan ay dhigteen.

Maamulka Galmudug ayaa haatan ku dadaalaya in uu ka hortago Kooxaha Wadooyinka Gobolada Mudug iyo Galgaduud dadka ku dhibaateeya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media