Dhageyso:-Ciidamada Dowladda oo dhulka howdka ah ka baadi goobaya Al-Shabaab

Cabdullaahi Sheekh Maxamed oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya ee Gobolka Baay ayaa sheegay in ay howlgal ka wadaan Tuulooyin iyo deegaano ka tirsan  Gobolka Baay halkaas oo Maalmihii u dambeysay falal la xiriira dhanka  amaniga ay ka dhacayeen.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka kahor uu halkasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyo Ciidamadooda iyo kuwa Al-Shabaab iyagoo halkaasi ku dilay Sadax Askri oo ka tirsan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kaloo hadalkiisa intaas ku daray in ay Goobtii lagu dagaalamay ay ciidamadooda ku sugan yihiin islamarkaana ay siiwadi doonan howlgalka ilaa ay amaanka ka xaqiijinayaan.

Deegano iyo degmooyin ka tirsan kuwa Maamulka kjoonfur Galbeed ayaa waxa weli ku sugan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab,iyadoo mararka qaar uu dagaal ku dhexmaro ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo dhinc ah iyo A-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media